Xogta Kulanka Xiisahaleh ee Chelsea VS Arsenal.
Maantay oo Taariikhdu tahay 29/10/2011 waxaa Garoonka Stamford Bridge Stadium ku kulmi doona Xooxa Chelsea iyo Arsenal kulana kamid ah Horyaaka Wadanka Ingiriiska.
Hadaha waxaan Faaqidi doonaa Xogta ama Taariikhda Labadaan Koox ee Horyaalka Wadanka Ingiriiska.
hadaba Heegantv.com ayaa Xogta Labadaan Koox Dib u eegi doonta.
Maxaad kalasocotaa markii ugu Horeysay oo aykulmaan labadaan kooxood, Kulankii ugu horeeyay ee Arsenal iyo Chelsea ay wada Ciyaaraan waxa uu ka dhacay Garoonka Kooxda Chelsea ee Stamford Bridgee Bishii Novemper 9, 1907, waxaana Ciyaartaas oo ka mid aheed Horyaalka Ingiriiska ay ku dhamaatay Bar baro , iyadoo Kulankaasi uu moqday kii ugu taageeraha badnaa Horyaalka Ingiriiska ee Xiligaasi, waxaana usoo daawasho tagay 6,5000{Lixdan iyo Shan kun}.
Markale Ciyaar dhexmartay Labadaan Kooxood 1935tii ayaa noqotay tii ugu taakeeraha badneed Taariikhda Horyaalka Wadanka Ingiriiska ee Xiligaasi, iyadoo ay Garoonkaasi sooxaadireen 82,905{Sideetan iyo Labo kun, Sagaal boqol, iyo Shan}.
Labadaan Koox ayaa kawada dhisan Magaalada London, hada waxaa ka dhexeesa Cadaawad dhinaca Kubada ah, walina masoo marin Ciyaar kaween Fiinaalka Koobka FA.
Kooxda Arsenal ayaa 2002dii 2-0 uga qaaday Kooxda Chelsea koobka FAga .
Chelesa ayaa sidoo kale 2003-2004tii Kareebtay Arsenal koobka Horyaalka Qaarada Yurub ee UEFA Chamoions League, Kulankaasi oo ka dhacay Garoonka Stamford Bridge Bar baro ayuuna ku soo dhamaaday lkn Lugutii labaad oo ka dhacday Garoonkii hore ee Arsenal ee Highury ayaa Chelsea guushu ku raacday 2-1 Sidaasina laaga reebay Arsenal Koobkaasi.
isla 2003-2004tii waxay Arsenal Xaqiijisay Koobka Horyaalka Wadanka Ingiriiska iyo Kan FA, iyadoo labadii kulanba kuraaxeesatay Chelsea waliba Goolal isku mid ah Home and awey, Luktii labaad ayaa aheed mida isha gaarka ah lagu fiirinayay laakiin Arsenal ayaa ku sigatay in malrkale gurigeeda halis lagu galiyo, waxaase ka badbaadiyay Ciyaariyahanada Partrick Vieria iyo Edu, maadaama ay Chesea ay Ciyaarta ku hogaaminaysai hal Gool.
Kooxda Arsenal waxay Beec Xora iskaga iibisay 2006dii Daafaca Garabka Bidix ee Ashley Cole, Iyadoona Dhamaan taageerayaasha Kooxdaasi ay ka xanaaqeen Beecaasi Maadaama uu Labada Kooxood uu ka dhaxeeyo Xifaaltan aad u weyn oo Dhanka Baniiniga ah.
2007dii ayaa waxaa dhexmaray Ciyaar aala ilaabi karin Laba Kooxood Ciyaartaas oo aheed Filanka Koobka Sedexaad ee Horyaalka Ingiriiska loogu Jecelyahay ee Carling Cupka, waxaan Ciyaartaasi ay mid aad ufowdo badan, waxaana laga saaray Ciyaartaasi Milkel Jon Obi, Kolo Tore, iyo Emmanuel Adobayor, waxaana isla Ciyaartaasi Isbitaalka loola Cararay Kobtanka iyo Dafaca Kooxdaasi Chelsea, 2-0 waxay Guushu ku raacday Chelsea.
Guud ahaan labada Koox waxaa awood badan Arsenal, waxaay isarkeen Chelsea iyo Arsenal 174 kulan 69 kamida waxaa badiyay Asenal, 54 kamidana waxaa badiyay Chelsea, halka 51 kulan ay Bar baro Galeen.
Guulaha ugu muhiimsan oo ay kala gaareen labada Koxood ayaa waxay ukal dhaceen Arsenal ayaa Guriga Chelsea ku garaacady 5-1, Halka Cheseana ay Arsenal ku garaacady 5-0.
Hadana waxaan Sugna waa kulanka Maantay kadhici doona Goroonka Xooxda Chelsea ee Stamford Bridge ee u dhaxeeya Xooxa Arsenal iyo Chelsea.KULANKAKU WAXUU DHICI DOONAA 2:45 DAQIIQO AHBarnaamijka
Categories: Chelsea vs Arsenal Tags: bar baro, lkn
